Bulshhada Gobolka Saraar oo soo dhaweyn aan kala hadh lahayn ku qaabishay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayo
Caynaba:18/08/2024()-Bulshada ku dhaqan guud ahaan gobolka Saraar oo ay hormuud u yihiin madaxda dhaqanka, xildhibaannada, maamulka gobolka iyo midka degmada, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, waxgaradka, haweenka iyo dhallinyarada, ayaa si xamaasadaysan usoo dhaweeyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo halkaas ku gaadhay safar shaqo.
Ugu horrayn cuqaasha, salaadiinta iyo waxgaradka reer Saraareed iyo maamulka gobolka, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay deegaanka Kirir ee Galbeedka Wadaamagoo, waxana ay uu madaxweynuhu socod dheer oo lug ah kusoo maray dariiqa weyn ee dhex mara degamda Wadaamagoo oo ay taagnaayeen dadweyne aad u tiro badan calanka Somaliland. Caleemo qoyanna lulaya, kuwaas oo si diirran usoo dhaweeyey madaxweynaha.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa goob fagaare ah kala hadlay bulshada reer Wadaamagoo, waxana uu uga mahadnaqay sida milgaha iyo sharafta leh ee ay usoo dhaweeyeen, isaga oo ku dheeraaday taariikhda mugga leh ee ay Wadaamagoo leedahay.
Intaa kaddib, madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa si aan kala hadh lahayn loogu soo dhaweeyey magaalada Caynabo ee xarunta gobolka Saraar, waxana halkaas ku qaabilay kumannaan katirsan shacabka halkaas ku dhaqan oo caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland lulaya, islamarkaana ay wejiyadooda ka muuqato farxad iyo rayn rayni.
Bulshada reer Caynabo, ayaa madaxweynaha u gelbisay goob fagaare ah oo loo diyaariyey in shacabka lagala hadlo, waxana halkaas laga jeediyey hadallo loogu mahadnaqayo bulshada loogagana falcelinayo maamuuskii iyo milgihii ay madaxweynaha u muujiyeen.
Maamulka gobolka Saraar, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madax-dhaqameed, siyaasiyiin iyo haldoor kale oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey madaxweynaha iyo weftigiisa, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay taageero buuxda u hayaan siyaasadda uu madaxweynuhu qaranka ku hoggaamiyo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey shacabka reer Caynaba, waxana uu uga mahadnaqay sida sharafta iyo karaamada leh ee usoo dhaweeyeen, waxana uu si cad u sheegay inay qabashada doorashadu diyaar ka tahay, difaaca qarankuna tahay muhiimadda koowaad ee xukuumadda uu hoggaamiyo.