Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ku guda jira maalintii 2-aad ee Safarka shaqo ee uu ku joogo magaalada Boorama, ayaa maanta ka qayb-galay Xafladda Qalin-jabinta Jaamacadda Camuud, Dufcaddii 24-aad oo ay sannadkan ka qalin-jabiyeen 1,087 arday oo isugu jira shahaadadda heerka 1-aad (Bachelor), heerka 2-aad (Masters) iyo heerka 3-aad (PhD).
Madaxweynuhu waxa uu si diirran u hambalyeeyay ardayda sannadkan ka qalin-jabisay, waalidiintooda, kulliyadaha ay ka baxeen, macallimiinta iyo guud ahaan maamulka Jaamacadda Camuud.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo hadal qiimo leh ka jeediyey Xafladda qalin-jabinta ayaa Jaamacadda Camuud ku bogaadiyey kaalinta muhiimka ah ee ay ku leedahay qaabaynta mustaqbalka Qaranka JSL, isla markaana Jaamacadda Camuud ku tilmaamay Hay’ad Aqooneed oo Guulaysatay oo ka tallowday xuduudaha JSL dad badana ay ku aaminaan in ubadkoodu uu wax ka barto.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Jaamacadda Camuud ay soo saartay Jiilal kala dambeeyey oo aqoonyahanno ah iyo muwaadiniin xilkas ah oo dalka iyo dadka ugu adeega garasho togan oo ay aqooni saldhig u tahay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ardayda qalin-jabinaysa, waalidiintooda iyo bulshada reer Awdal u sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay isaga oo Boorama jooga uu maanta inala joogo Hoggaamiye Dhaqameedka weyn ee Gobolka Awdal, Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro Madaxweynaha JSL waxa uu xusay in ballanqaadyadii uu la galay bulshada Gobolka Awdal xilligii ololaha doorashada Madaxtooyada ay ka mid ahayd in Ugaaska Guud ee Gobolka Awdal, Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi uu gurigiisa iyo dalkiisa si nabad, xushmad iyo karaamo leh ugu soo noqon doono, balan qaadkaas-na uu sideedii u fuliyey .
Madaxweynuhu intii uu joogay Xafladda Qalin-jabinta JaamacaddaCamuud, waxa uu ku dhawaaqay mashaariic horumarineed oo muhiim ah oo laga fulin doono magaalada Boorama iyo Gobolka Awdal, kuwaasi oo loogu talo galay kordhinta iyo tayaynta adeegyada wax ka taraya nolosha bulshada, dhaqaalaha iyo horumarka guud ee Gobolka Awdal.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu sheegay in Xukuumadiisu ay tahay Xukuumad la dareen ah dadkeeda, sidaa darteed waa waajib in la fuliyo ballanqaadyadii xilligii ololaha doorashada ee xagga horumarka bulshada Gobolka Awdal.
Mashaariicda uu Madaxweynuhu kaga dhawaaqay in ay Xukuumaddu ka fulin doonto magaalada Boorama iyo Gobolka Awdal waxa ka mid ah:
1. Qalabaynta Hoolka weyn ee Jaamacadda Camuud
2. Dhismaha Xarun cusub oo casri ah oo ay yeelan doonaan maamulka Jaamacadda Camuud
3. In Jaamacadda Camuud dhul laga siiyo magaalada Hargeysa, si ay xarun cusub (Camps) uga dhisato
4. Dhismaha iyo dhamaystirka Madaarka magaalada Boorama
5. Dhakhtarka weyn ee Boorama oo lagu qalabaynayo Mishiinka dhaliya Oxygen-ta
6. Dhakhtarka weyn ee Boorama oo lagu qalabaynayo mishiinka casriga ah ee CT-Scan
7. Qiimaha adeegga Biyaha Boorama oo hoos loo dhigay, lagama dhigay 11,000 SHSL Cubic Meter, halkii awal ka ahaa 15,000 SHSL
8. Qiimaha adeegga Laydhka (Korontada) magaalada Boorama oo hoos loo dhigay, lagama dhigay $0.59 centi halka Kilo Wat; halkii uu awal ka ahaa 0.73$, laga bilaabo 01.11.2025-ka. Waxa xusid mudan in qiimaha Laydhka Boorama sannadka 2026-ka laga dhigi doono $ 0.3, halkii Kilowat.
9. Dhismaha iyo dhamaystirka Garoonka Kubadda Cagta (Xaaji Daahir Cilmi) ee magaalada Boorama
10. Dhismaha iyo dhamaystirka Waddada Baki-Boorama,
11. Bilowga Qorshaha Dhismaha Dekedda Lughaya.
12. Bilowga iyo dhamaystirka Waddada isku xidha Boorama-Lawyacaddo, oo qandaraaskeedii la bixin doono bishan September ee aynu ku jirno
Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu ugu baaqay qaybaha kala duwan ee Bulshada, Aqoonyahanka, Madaxda dhaqanka, Hay’adaha Dawladda ee gobalka, Ganacsatada iyo guud ahaan haldoorka Gobalka Awdal in ay sii wadaan iskaashiga iyo midnimada ay gobalka iyo qarankoodaba ugu raadinayaan horumarka.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland