Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuca casriyeynta garoonka kubadda cagta ee Xaaji Daahir Stadium ee magaalada Boorama.
Mashruucan casriyeynta garoonka kubadda cagta ee Xaaji Daahir Stadium ayaa ka mid ah dadaallada Xukuumadda wadda jir iyo wax-qabad ee lagu horumarinayo kaabeyaasha ciyaaraha dalka.
Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxa soo ka qaybgalay masuuliyiin sarsare, bahda ciyaaraha, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Boorama oo si weyn u soo dhaweeyay mashruucan.
Garoonkan oo muddo badan baahi weyn loo qabay in dib loo dhiso, ayaa waxa lagu samayn doonaa roog cusub oo tayadiisu sareyso, tarabuun casri ah, iyo nidaamka iftiiminta garoonka,kaas oo sahlaya in habeenkii loogu ciyaaro.
Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, maamulka gobolka Awdal, maamulka degmada Boorama, iyo masuuliyiin kala duwan oo madasha ka hadlay ayaa dhamaantood sheegay muhiimadda uu garoonkani u leeyahay bulshada gobolka Awdal
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa khudbad uu ka jeediyey madasha dhagax-dhigga garoonka kubadda cagta ee Boorama ku caddeeyey sida ay muhiimka u tahay in la horumariyo kaabeyaasha ciyaaraha dalka Iyo dhiirrigelinta xirfadaha isboortiga,waxaanu xusay in Boorama ay mudan tahay in laga hirgeliyo mashaariic horumarineed oo la jaanqaadaya baahiyaha bulshada.
Ugu Dambeyntii Madaxweynaha JSL ayaa sheegay in mashruucani uu qeyb weyn ka qaadan doono horumarinta ciyaaraha gobolka Awdal iyo guud ahaan Somaliland, isagoo xusay in dawladda ay ka go’an tahay taageeridda dhallinyarada iyo horumarinta kaabeyaasha cayaaraha dalka.