Sheekh-20-09-2022-()Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta la kulmay waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka iyo qaybaha kala duwan ee ku dhaqan degmada Sheekh ee gobolka Saaxil.
Madaxweynaha iyo wefti uu hoggaaminayo oo maanta kasoo laabtay safar shaqo oo ay ku tageen gobollada Togdheer iyo Sool, ayaa kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada reer Sheekh, waxana ay iska xogwarysteen xaaladda degmada, mashaariicda xukuumaddu ka hirgelisay degmada, waxana ay madaxweynaha ugaga mahadnaqeen sida xilkasnimada leh ee ay xukuumadda uu hoggaamiyaa ugu hagarbaxday degmada.

Wa-bilaahi Tawfiiq