Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo qasriga madaxtooyada kulan Casho iyo Afur ah ugu sameeyey culimada waaweyn ee dalka.
Hargeysa-21-03-2024-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan casho iyo Afur ah xarunta qasriga madaxtooyada ugu sameeyey culimaa’udiinka kala duwan ee dalka.
Munaasibadda cashada iyo afurka isugu jirtay ee uu madaxweynaha qaranku u sameeyey culimada waaweyn ee dalka, ayaa waxa kala qaybgalay madaxweyne-ku-xigeenka, xubno kamid ah golaha wasiiradda, xildhibaanno, siyaasiyiin, badiba culimada waaweyn ee dalka iyo marti-sharaf kale, ayaa laga jeediyey hadallo la xidhiidha kaalinta muhiimka ah ee culimadu ku leedahay horumarinta dalka iyo isdhexgalka bulshada.
Ugu horrayn waxa madasha hadallo dardaaran iyo waano isugu jira ka jeediyey sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar, waxana uu bulshada kula dardaarmay inay isku tashadaan, ku dhaqanka Diinta ku adkaadaan, dawladnimada iyo waxa ay umadda heshiiska ku tahayna la wada ilaashado.
Qaar kamid ah culimada iyo aqoonyahanka dalka oo ay kamid yihiin Cabdirashiid Maxamed Baaxeer, Sheekh Almis Xaaji Yaxye, Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Yaasiin iyo Sheekh Cabdilaahi Cabdi Cali (Makaawi), ayaa si isku mid ah ugu dheeraaday kaalinta culimada iyo waajibka ka saaran dhismaha dalkooda iyo kobcinta waxyiga ummadda, waxana ay madaxweynaha uga mahadnaqeen kulanka ballaadhan ee uu culimada dalka u qabtay.
Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa isaguna dhinaciisa madaxweynaha qaranka uga mahadnaqay muhiimadda uu siinayo inuu la kulmo culimada waaweyn ee dalka, talooyinkooda iyo aragtiyahoodana dhegaysto, isaga oo culimadana ugu baaqay inay talooyinkooda bud-dhig uga dhigaan ilaalinta dawladnimada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyey culimada kala duwan ee kulanka kasoo qaybgashay, waxana uu uga mahadnaqay sidii ay ugu dhabar adaygeen duruufihii qallafsanaa iyo dalka iyo dadkuba soo mareen iyo sidii ay ugu soo adkaysteen waqtiyadii adkaa ee ay cilmiga faafintiisa kusoo bixiyeen, waxana uu caddeeyey inay ka dawlad ahaan qaadanayaan waanooyinka iyo wax sheegga culimada.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu culimada dalka ugu baaqay inay difaaca dalkooda ku dhiirradaan, kuna dhiirradaan jawaab ka bixinta wax kasta oo deelqaaf iyo qadaf ku ah qarannimada dalka, waxana uu yidhi,“Culimadu hoosta uun bay ka duceeyaan ee culimada kale ee dalka farogelinaysa uma jawaabaane, taas halla ogaado oo culimadu qaybtooda dalka haka qaataan marka ay culimada kale soo farogelinayso.”
Kulanka madaxweynaha iyo culimada dalka, ayaa ah mid sannadkiiba hal qabsooma, waxana la isku weydaarsadaa talooyin iyo waanooyin kala duwan oo dalka iyo dadkaba muhiim u ah.
Wa-bilaahi Tawfiiq