Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta booqday qaar ka mid ah Hoteellada ku yaalla Hargeysa, si uu Shacabka halkaasi ku sugan ula qaybsado farxadda Munaasabadda Ciidal Fidriga.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa bulshada la wadaagay hambalyo iyo bogaadin ku aaddan maalinta Barakaysan, isaga oo kula dardaarmay adkaynta midnimada Qaranka, wadajirka, is-xilqaan iyo walaalnimada shacabka Somaliland.
Booqashada Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa ku wehelinayey Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada, Taliyaha Ciidanka Milatariga, Taliyaha Labaad ee Ciidanka Booliska iyo masuuliyiin kale.