Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa caawa kulan Afur iyo Casho-sharaf isugu jira Qasriga Madaxtooyada ugu sameeyey Culimada kala duwan ee Dalka.
Kulankan oo ah mid sannadle ah oo Madaxweynuhu Bisha Barakaysan ee ku qabto Madaxtooyada JSL ayey ujeeddadiisu ahayd maamuus, is xog-waraysi iyo dhiirrigelinta doorka Culimadu ay ku leeyihiin nolosha bulshada, waxana halkaas hadallo wacdi, waano iyo wax-u-sheeg isugu jira ka jeediyey qaar ka mid ah Culimada ugu magaca weyn dalka, kuwaas oo Madaxweynaha Qaranka ku bogaadiyey mudnaanta iyo kaalinta mugga leh ee uu Madaxweynuhu mar kasta siiyo Culimada Dalka.
Culimadu waxa ay ganacsatada iyo muxsiniinta ugu baaqeen in ay qayb ka qaataan Gurmadka iyo Taakulaynta taakulaynta dadka iyo duunyada ku tabaalaysan abaarta baahsan jirta Dalka oo dhan.
Sidoo kale, Culimadu waxa ay sheegeen in ay si buuxda u garab taagan yihiin Dawladnimada iyo Qarannimada, iyaga oo si weyn u soo dhaweeyey Ictiraafka ay dhawaan Dawladda Dalka Israa’iil ina siisay.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Cabdilaahi-Baashe Daahir Jaamac oo halkaasi ka hadlay, ayaa Culimada si weyn u soo dhaweeyey, waxana uu ku ammaanay sida xilkasnimada leh ee ay uga soo dhalaaleen kaalintoodii bulshada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo kulanka soo afmeeray, ayaa Culimada Dalka si weyn ugu ammaanay doorkooda ilaalinta qarannimada, nabadda, xasilloonida dalka iyo ka hor tagga khal-khal gelinta iyo dacaayado cadaawaysan oo lagu furo Ictiraafka ay Dawladda Israa’iil siisay Jamhuuriyadda Somaliland 26.12.2025-kii.