
Kulankan oo ku qabsoomay jawi diirran oo walaalnimo iyo is-ixtiraam leh ayaa ahaa mid lagu xoojinayey isku duubnida bulshada, wadajirka Qaranka iyo is-afgaradka guud ee ummadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynaha ayaa uga mahad naqay Acyaanta iyo Haldoorka kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin ilaalinta nabadda, dhismaha Qaranka, xoojinta wada noolaanshaha iyo wanaag-ku-hagidda bulshada.
Dhankooda, Acyaanta iyo Haldoorka Caasimadda ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin la kulanka Madaxweynaha, iyaga oo si weyn u bogaadiyey aqoonsiga ay JSL ka heshay dalka Israa’iil iyo dedaallada Xukuumadda ee ku aaddan horumarinta dalka iyo sugidda xasilloonida bulshada. Wax-garadka uu Madaxweynuhu kula kulmay Grand Hadi ayaa xaqiijiyeen in ay ka go’an tahay adkaynta midnimada, nabadda iyo wadajirka bulshada iyo ilaalinta sumcadda guud ee Qaranka JSL.
Kulankan ayaa xambaarsanaa farriin Qaran, Midnimo iyo isku duubnidu bulshada, taasi oo ah astaamaha ugu muhiimsan ee lagu ilaaliyo jiritaanka iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland.
