
Mashruucyadan ayaa ah kuwo si toos ah u taabanaya nolosha shacabka reer Gabiley kuwaasi oo isugu jira horumarinta kaabayaasha bulshada, hagaajinta adeegyada aasaasiga ah sida waddooyinka iyo kobcinta bilicda magaalada Gabiley.
Madaxweynaha oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa Dawladda Hoose ee Gabiley bogaadiyey maariicda horumarinta degaanka ee ay wadaan, isaga oo ugu boorriyey in bulshada la gaadhsiiyo adeegyada ay xaqa leeyihiin.
Bulshada reer Gabiley ayaa si weyn u soo dhaweeyey mashaariicdan, kuna tilmaamay tallaabo muuqata oo muujinaysa in dawladda hoose ee Gabiley ay hayso tubta Horumarka.