Madaxweynaha iyo weftigiisa oo marti-qaad rasmi ah ka helay ra’isal wasaaraha Ethiopia, ayuu safarkoodu qaadan doonaa muddo maalmo ah, waxana inta ay halkaas joogaan kulamo gaar ah oo shaqo la qaadan doonaan madaxda kala duwan ee dalka Ethiopia iyo kuwo kaleba.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa safarkiisa ku wehelinaya wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, waxana magaalada Addis Ababa kaga biiraya wefti kale oo gogol-xaadh u ahaa safarka madaxweynaha, kuwaas oo ay xubno ka yihiin wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Mudane Ciise Keyd Maxamuud, Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) iyo Ergeyga gaarka ah ee Wadda hadallada dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.
Wa-billaahi Tawfiiq