Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ka hadlay xaaladda Laascaanood iyo Doorashooyinka dalka kusoo foolka leh.
 
Hargeysa-14-3-2023-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool iyo doorashooyinka dalka ka qorshaysan sannadkan aynu ku jirno.
 
Madaxweyne Muuse Biixi oo maanta ka hadlayey munaasibad lagu daah-furayey qorshaha saddexaad ee horumarinta qaranka, ayaa sheegay in arrinta Laascaanood safka hore kaga jirto qorshayaasha xukuumadda muhiimka u ah sannadkan, xukuumad ahaanna ay xil weyn iska saareen soo afjariddeeda, waxana uu yidhi,“Qodobka koowaad ee sannadkan mudnaanta lehi waa ta taalla Laascaanood oo nasiibdarro dad inagaga dhintay oo runtii aynaan filaynin oo inagu timi, muhiimadda koowaad oo xallinta dhibaatada laascaanood, Dawlad Ahaana xabbad joojin iyo isxakamayn ayaanu ku dedaalaynay, tiroba saddex goor, Alla se ma qaddarin oo dhibkii way taagan tahay.”
 
Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in arrinta Laascaanood ka taagani tahay mid gudaha Somaliland ah, garaaddada iyo cid kasta oo arrintaas hoggaaminaysa uu diyaar u yihiin,“Arrintani Laascaanood waa mid Somaliland gudaheeda ah, dadkeeduna waa muwaadiniin dawladoodii wax ka tirsanaya oo waxay u baahan yihiin in lala fadhiisto, dawlad Ahaanna waxan naga go’an inaanu la fadhiisanno oo la isu garaabo, qaar kale oo ina soo marayna waynu kasoo gudubnay oo miyir qab baynu kaga soo gudubnay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Madaxweynaha oo ka hadlaya aragtidiisa la xidhiidha in dedaalada nabadeed cid dibadda ahi ka qayb noqon karto, kana digaya farogeliln amniga lagu Khalkhal gelinayo, ayaa yidhi,“cidda nabadda nagala shaqaynaysa ee dawlad ama urur ah ee wanaaggeena doonaysa ee daacad ka ah waannu la kaashanaynaa oo waannu oggolahay, waase in marka hore laga bilaabo inay Somaliland oo dhexdooda dhibaato ka jirto ay caawinayaan, waxaanan oggolayn in dadka qaarkii ama qayb kamid ah soomaaliya oo Puntland ay farogelin iyo dagaal lasoo gasho Sool iyagoo hab qabali ah raacaya, taasina sax ma aha.”
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu caddeeyey inay diyaar u yihiin sidii garaadada loola hadli lahaa, iyada oo loo dhego nuglaanayo meel kasta oo ay ku qanacsan yihiin in lagu wada hadlo, isaga oo soo dhaweeyey dedaallada dawladda Ethiopia waddo, balse arrinta mar kasta lagu salaynayo inay tahay gudaha dalka Somaliland, waxana uu yidhi,“Dawladda Itooobiya oo na tidhi aanu wax idinla qabanno waanu oggol nahay laakiin qaabka arrinta lagu gelayaa waa arrin Somaliland dhexdeeda ah, garaaddadana diyaar baanu u nahay inaanu la hadalno, madax-dhaqameedkuna waa iga wakiil wixii ay keenaan ee nabad lagu helayana diyaar baan u ahay.”
 
Qorshaha labaad ee sannadkan qaranku leeyahay ayuu madaxweynuhu ku sheegay sidii dalka looga qaban lahaa doorasho, isaga oo xusay in hawsha cayimaadda doorashada ay iska leeyihiin guddida doorashooyinka qaranku, “Qorshaheenu wuxu ahaa sannadkani inuu sannadkii doorashooyinka noqdo, dalkuna haddaanu doorasho gelin socon mayo oo distoorkeennaa dhigaya, dooorashooyinkana waxa inoogu xilsaaran guddi, iyagaynu uga fadhinaa muddadii iyo jidkii la mari lahaa, waana qasab inaynu doorasho galnaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
 
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu si cad u sheegay in waqtigii sharcigaa ahaa saddexda xisbi qaran dhammaaday, ururrada soo baxayna u baahan yihiin inay galaan tartankii ay xisbiyo ku noqon lahaayeen, taasna laga sugayo guddida doorashooyinka, waxana uu yidhi,“Waxaynu ku jirnaa saddexdii xisbi qaran oo waqtigoodii dhacay oo aan doorasho geli karin illaa iyaga dib loo doorto, waxa halkan taagan toban urur oo shahaado loo siiyey inay u tartamaan inay xisbiyo qaran noqdaan, waxaynu u baahanahay inaynu degdeg guddida doorashada uga codsanno inay inoo sameeyaan qorshe iyo waqti oo xisbiyadii iyo ururradu doorashada galaan oo ay soo baxaan saddex xisbi qaran, mana jiro xisbi odhan kara anigu xisbi baan ahay oo la tartami maayo ururrrada.”
 
Wa-bilaahi Tawfiiq