Hargeysa-12-05-2023-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa caawa kormeer ku tegay Beerta Xoriyada oo maalmahanba ay ka socotay shaqo ballaadhan oo uu hormuud ka ahaa Maayarka Caasimada iyo hawladeenadiisu.
Waxaana Madaxweynaha Qaranka halkaa ku soo dhaweeyey maayarka Caasimada iyo masuuliyiinta Dawladda Hoose ee Hargeysa ee ku gudo jiray hawl-maalmeedkii ay ka wadeen fagaaraha Beerta Xoriyadda. Waxaanu madaxweynuhu ku bogaadiyey dedaalka iyo tacabka ka muuqda Fagaaraha ee ay geliyeen muddadaa kooban ee ay hawsha wadeen, isagoo ku dhiirigeliyey in ay halkaa ka sii wadaan dedaalka.
Waxa madaxweynaha ku wehelinaayey Kormeerkaasi Gudoomiye Ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere), Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) iyo Aqoonyahan Jaamac Muuse Jaamac.
Wa-bilaahi Tawfiiq