Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo Daah-furay Bandhigga 15-aad ee Buugaagta Hargeysa
Hargeysa:23/07/2022()-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa daah-furay bandhigga 15-aad ee Buugaagta Hargeysa ee Hargeisa International Book fair oo maanta si rasmi ah uga furantay xarunta dhaqanka ee Hargeysa.
Madaxweyne-ku-xigeenka, ayaa dhallinyarada reer Somaliland ku dhiirrigeliyey inay ku dedaalaan akhriska iyo qoraalka, isaga oo madaxda hawshan gacanta ku haysana ku bogaadiyey dedaalkooda.
Wa-bilaahi Tawfiiq