Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo qaabilay Ergayga Finland u qaabilsan nabadda geeska Afrika.
Hargeysa-21-07-2022-()-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xafiiska ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland u qaabilsan Nabdda Gobolka Geeska Afrika Xildhibaan Suldaan Siciid Axmed oo booqasho ku yimi dalka.
Kulankan waxa madaxweyne-ku-xigeenka ku wehelinayey wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud iyo Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, Siciid Sulub Maxamed.