
Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa mid mid u kormeeray waaxaha kala duwan ee ay Wasaaraddu ka kooban tahay iyo sida ay shaqadu uga socoto.
Sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka JSL ayaa xadhiga ka jaray dhisme cusub oo lagu soo kordhiyey wasaaradaasi.
Ugu danbeyn Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu Xafiiska Wasiirka kulan kula qaatay Wasiirka iyo Agaasimaha Guud; waxaana ay Madaxweyne ku-xigeenka uga xog warrameen hab-sami-u-socodka shaqooyinka muhiimka ah ee ay Wasaaraddu uga masuulka tahay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
