Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo hadhimo-sharafeed loogu sameeyey dugsiga Hoyga ah ee Dabayl-weyne.
Mandheera-22-09-2022-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kasoo guryo noqday safar shaqo oo uu ku tegay gobollada bariga dalka, ayaa maanta hadhimo sharafeed loogu sameeyey dugsiga hoyga ah ee Dabyl-weyne oo ku yaalla duleedka waqooyi ee tuulada Macaaneeye ee degmada Mandheera.
Hadhimo-sharafeeddan oo ay soo qabanqaabiyeen hormuudka guddida DAN iyo Duco, ayaa ugu horrayn waxa hadallo ka jeediyey madaxda degmada Mandheera, hoggaanka guddida Dan iyo Duco iyo bahda waxbarashada, waxana ay si qoto dheer uga warrameen sida uu dugsigaasi qaybta libaax uga qaatay waxbarashada deegaanka iyo kobcinta maanka iyo maskaxda da’yarta, iyaga oo madaxweynaha ka codsaday inuu kor usii qaado taageerada uu la garab taagan yahay waxbarashada.
Oday Muuse Xirsi Abokor oo ku hadlay magaca guddida dugsigaas gacanta ku haysa ee DAN iyo DUCO oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha ku bogaadiyey inuu ka aqbalay casuumadda ay u fidiyeen, waxana uu bulshada deegaanka ugu baaqay inay xukuumadda ku taageeraan wax kasta oo horumar ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda ka hadlay, ayaa bulshada deegaanka iyo maamulka dugsigaba ugaga mahadnaqay kaalinta muuqata ee ay ka qaateen horumarinta waxbarashada, waxana uu kula dardaarmay inay sii labanlaabaan dedaalkooda.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu xadhigga ka jaray dhisme cusub oo farsamada gacanta lagu baran doono, kaas oo lagu soo kordhiyey dugsiga hoyga ah ee Dabayl-weyne.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey oo safar shaqo oo muddo sagaal maalmood ah qaatay ugu maqnaa gobollada Bariga, ayaa maanta si rasmi ah ugu soo guryo noqday caasimadda Hargeysa.
Wa-bilaahi Tawfiiq