Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo ka duulaya waajibaadka Dastuuriga ah ee saaran, isla markaana tixraacaya ansixinta Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland iyo go’aanka Golaha Wasiirrada, maanta oo ay taariikhdu tahay 29/12/2025, waxa uu soo saaray Wareegto Madaxweyne oo si rasmi ah loogu dhaqan-gelinayo Miisaaniyadda Qaranka ee sannadka 2026.
Wareegtadani waxa ay waajibinaysaa in dhammaan Wasaaradaha Xukuumadda, Hay’adaha Madaxa-bannaan ee Qaranka, iyo Dawladaha Hoose ay u fuliyaan Miisaaniyadda Qaranka si hufan, isla-xisaabtan leh, masuuliyadna ku dheehan tahay, iyaga oo raacaya mudnaanta Qaranka, Shuruucda iyo Xeerarka Maaliyadeed ee khuseeya.
Wareegtadani waxa ay dhaqan-galaysaa laga bilaabo taariikhda uu saxeexay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, oo ah 29/12/2025.