
Shirweynahan oo socon doona mudo labo cisho ah ayaa waxa si weyn loogu lafo guri doonaa Qorshaha Waxbarashada Qaranka JSL.
Shirweynahani waxa uu kulmiyey aqoonyahan iyo daneeyeyaasha horumarinta Waxbarashada.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu dheeraaday faa'idada ay leedahay in la horumariyo Waxbarashada si bulshadu u hesho waxbarasho tayo leh, waxana uu yidhi
"Aad baan ugu faraxsanahay in aan ka soo qaybgalo Shirweynahan, waayo hadii la doonayo in Dal la dumiyo waxa laga dumiyaa Waxbarashada.
Waxa aan Wasaaradda Waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland ku dhiirigelinayaa in dadka la baro farsamada isla markaana la horumariyo dugsiyada Farsamada gacanta ee dalka".ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka JSL
