Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta ka qayb-galay Aas-Qaran oo loo sameeyey Allah (SWT) ha u naxariistee Guddoomiye Ku-xigeenkii Koowaad ee Golaha Guurtida Marxuum Siciid Jaamac Cali .
Sidoo kale waxaa aaskan qaran ka soo qeyb galay madaxweyinihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi , Gudoomiyaha Golaha Guurtida , Gudoomiyaha Golaha Wakiilada , Gudoomiyaha Maxkamada, Madax-dhaqameedka, Culimaa’udiinka iyo Shacab tiro badan
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro isaga oo ka hadlaayey Aaska-Qaran, waxa uu mar kale tacsi tiiraanyo leh u diray Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan Shacabka Somaliland, isaga oo xusay kaalintii muhiimka ahayd ee uu Marxuumku ku lahaa dhismaha Qaranka JSL, nabadeynta, wadajirka, danta guud ee ummadda iyo hawlaha Golaha Guurtida.
Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka Allah uga baryey in uu u naxariisto, Jannatul Firdawsal Aclaa ka waraabiyo, Qoyskii iyo Shacabka Somaliland ee uu ka baxayna uu ka siiyo samir iyo iimaan saadiq ah.