Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo weli ku sugan Davos, Switzerland (World Economic Forum) oo waraysi qoto dheer oo dhinacyo badan taabanaya siiyey Wariye Caan ah (John Defterious) ayaa maanta hoggaamiyeyaasha Beesha Caalamka iyo maalgashadayaasha dunida ee ka soo qayb-galay Shirka Sannadlaha ah ee Madasha Dhaqaalaha Adduunka (WEF) ee Davos kulana gar-naqsaday in ay dib u qiimeeyaan kaalinta ay Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay Masraxa Caalamiga ah, isaga oo xusay in Jamhuuriyada Somaliland ay in ka badan soddon sano ku naaloonaysay nabad, dawladnimo dimuqraadi ah, amni iyo xasillooni buuxda, iyada oo ku taalla Gobolka Geeska Afrika oo ay colaaduhu ku badan yihiin.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu dalka Somaliland ku tilmaamay Albaab Istiraatiiji ah oo isku xidha Afrika, Bariga Dhexe iyo Marrinada Ganacsiga Caalamka, isaga oo faahfaahiyey fursadaha ku jira khayraadka kala duwan ee dabiiciga ah ee ay leedahay Somaliland (Sida: Xoolaha, Beeraha, Kalluumaysiga, Macdanaha kala duwan iyo Shidaalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu madasha ka caddeeyey in Somaliland ay raadinayso iskaashi iyo wax-wada-qabsi, balse aanay raadinayn gargaar iyo gacan-hoorsi, isaga oo sheegay in Somaliland ay u soo bandhigayso maalgashadayasha xasillooni siyaasadeed, amni, kala dambayn iyo kalsooni sharci, taasi oo dhif iyo naadir ku ah Gobolka Geeska Afrika oo aad u xasaasi ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si weyn u soo dhaweeyey Aqoonsiga ay Israa’iil siisay Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo uga mahadnaqay Dawladda Israa’iil geesinimada ay muujisay, Waddammada kale ee dunidana ku dhiirrigeliyey in ay raacaan tallaabada iyo tusaalaha wacan ee Israa’iil oo ay aqoonsadaan xaqiiqooyinka siyaasadeed ee dhabta ah ee ka jira Gobolka Geeska Afrika.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xusay iskaashiga gobolka ee sii ballaadhanaya, oo ay ka mid tahay in Somaliland ay Itoobiya siisay adeeg marrin ganacsi oo Badda Cas ah, isla markaana ay sii horumarinayso isku-xidhka ganacsiga, tamarta iyo isu-socodka alaabada ee xuduudaha.
“Ma nihin kuwo gargaar dalbanaya, waxa aannu u nimid in aan soo bandhigno iskaashi ku dhisan nabad, dimuqraadiyad iyo fursado dano-wadaag..” ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Gebogabadii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Beesha Caalamka ugu baaqay in Somaliland ay mutaysatay in lagu abaal-mariyo
nabadda iyo xasilloonida ay muddada dheer ku naaloonaysay, loona beddelo Aqoonsi Buuxa si ay Somaliland si dhab ah uga qayb gasho Dhaqaalaha iyo la macaamilka bulshada Caalamka, waxana uu yidhi
“Si wadajir ah aynu ballanqaadka ugu bedelno horumar, awoodeena ugu bedelno barwaaqo sooran iyo iskaashi taariikhda gala".
ALLAA MAHAD