Tababarkan oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Shaqaalaha Dawlada ayaa waxaa ka soo qaybgalay dhammaan Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha, Hay’adaha Dawladda iyo Wakaaladaha.
U jeeda Tababarka ayaa ah sidii loo fulin lahaa isla markaana loo hirgalin lahaa Barnaamijka Dib u habaynta Shaqaalaha dawladda oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu digreeto Madaxweyne ku soo saaray bishii May, 2025.
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Mudane Cabdicasiis Xirsi Warsame ayaa sheegay in muddada labada cisho ah ee uu tababarku socdo lagaga wada hadli doono sidii loo hirgalin lahaa derajada shaqaalaha Dawladda (Pay and Grading Structure) maamulka, maaraynta iyo hoggaaminta shaqaalaha Dawladda iyada oo loo raacayo Xeerka Shaqaalaha Dawladda ( xeer no. 97/22), fulinta qorshayaasha Hay’addaha Dawladda iyada oo hawl kasta laga dhigayo mid waarta lana qiimayn karo (implementation rate with sustainability and measurable results), wada-xidhiidhka dawladda (Government Communications) iyo xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Dawladdaha Caalamka ( International relations and Diplomacy).
Gudoomiyaha Xisbul Xaakimka WADDANI Mudane, Xirsi Cali Haaji Xasan ayaa si qoto dheer uga waramay doorka Agaasimaha Guud ee hogaaminta iyo fulinta shaqalaha dawladda iyo dhamaan hawlaha ka dhex socda Hay’addaha dawladda. Gudoomiyaha ayaa Agaasimayaasha Guud la wadaagay khibradiisa ku saabsan Agaasimaha wanaagsan. Gudoomiyaha ayaa kula dardaarmay in balanqaadyadii Xisbiga WADDANI ee xiligii dooroshada ay ku shaqeeyaan sidii loo fulin lahaa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdirahman Maxamed Abdilaahi ayaa si rasmi ah u furay tababarka Agaasimayaasha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu soo qaban-qaabisay. Madaxweynaha JSL ayaa Agaasimayaash Guud kala hadlay muhiimada ay leedahay tayaynta shaqaalaha dawladda madaama ay yihiin adeeg bixiyayaasha muwaadiinta u adeega.
Madaxweyanaha ayaa ku bogaadiyey Hay’adda Shaqaalaha Dawaladda sida ay ugu dadaalayso in kor loo qaado aqoonta iyo hogaaminta Agaasimayaasha Guud oo hawlbowle u ah shaqada Wasaaraddaha iyo Hay’addaha kale duwan ee dawladda.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa sheegay in Agaasimayaasha Guud ay yihiin shaqaale dawladeed oo ay ka reeban tahay ka qayb galka siyaasada, waana in ay si fiican oo hufan isla markaan cadaalad ah ugu adeegaan dhamaan muwaadiniinta Somaliland meel kasta oo ay jogaan.
Ugu danbayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa xusay in dhamaan Madaxda Dawaladda ay hayaan amaano bulsho oo lagala xisaab tami doono. Sidoo kale waxa uu kula dardaarmay Agaasime kasta in uu ilaaliyo masuuliyada uu bulshada Somaliland u hayo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa u mahad naqay masuuliyiinta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda sida ay ugu diyaarsan yihiin tayaynta iyo dib-u habaynta Shaqaalaha Dawladda.
Tababarka Agaasimayaasha Guud ayaa waxaa Hay’adda Dawladda ka tageertay Mashruuca Baanka Addunka ee Taynta Hay’addaha Maamulka Dawladda ee SERP.