Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo maalmahanba Safar Shaqo ku joogay magaalada Boorama, ayaa maanta ka qayb-galay Xafladda Qalin-jabinta dufcaddii 15-aad ee Jaamacadda EELO University, taas oo sanadkan ay ka qalin-jabiyeen 265 arday oo isugu jira Bachelor Degree , Postgraduate iyo Diploma, kuwaas oo dhammaystay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda EELO.
Madaxweynaha JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo halkaas ka jeediyay khudbad qiimo badan oo isugu jirtay hambalyo, dhiirrigelin, dardaaran iyo duco, ayaa ardayda qalin-jabisay, waalidiintooda, macallimiinta iyo maamulka Jaamacadda EELO ku bogaadiyay dedaalka iyo dulqaadka ay muujiyeen muddadii ay waxbarashada ku jireen, isaga oo xusay in aqoonta ay kasbadeen ay tahay furaha mustaqbalkooda.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in Xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta Waxbarashada sare, abuurista fursadaha shaqooyinka ee dhalinyarada, iyo dhiirrigelinta cilmi-baadhista si loo helo jiil aqoon iyo xirfad u leh dhismaha mustaqbalka dadkooda Somaliland.
Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ardayda maanta qalinjebisay kula dardaarmay in ay ilaashadaan nabadda, midnimada iyo wadajirka Qaranka, isla markaana ay ka fogaadaan balwadaha iyo qabyaaladda. Waxa uu sidoo kale ku booriyey in ay aqoontooda si hufan ugu adeegsadaan horumarinta bulshada iyo dalkooda.