
Madaxweynaha waxa kulankiisa ku wehelinayey Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Xirsi Cali X. Xasan, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, hawl-wadeeno ka tirsan Xukuumadda, Taliyaha Ciidanka Booliska JSL, maamulka heer Gobol iyo ka heer Degmo ee Gabiley.
Madax Dhaqameedka Gobolka Gabiley ayaa Madaxweynaha si weyn ugu bogaadiyey sida lexejeclada iyo waayeelnimada leh ee uu u wado hawlaha Qaranka oo ay nabadgelyada iyo wada-jirka bulshadu ugu horreeyaan.
Sida oo kale, odayaasha reer Gabiley waxa ay Madaxweynaha si weyn ugu bogaadiyeen sida uu u fuliyey ballanqaadyadii xilligii ololaha meelo badan oo ka mid ah dalka. Odayaasha Gobolka Gabiley ayaa Madaxweynaha u xaqiijiyey in reer Gabiley aanay kala lahayn Muxaafid iyo Mucaarid, Xukuumaddiisana ay la shaqaynayaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka dareen celiyey hadalladii haldoorka dhaqanka ee Gobolka Gabiley, ayaa si weyn ugu mahad naqay Hoggaamiye Dhaqameedka Gobolka Gabiley, sidoo kalena soo dhaweeyey aragtiyaha iyo talooyinkii ay soo jeediyeen, waxana uu hoosta ka xarriiqay in ay Xukuumaddiisa ka go'an tahay kordhinta iyo tayaynta adeegyada saamaynta ku leh nolosha bulshada. Madaxweynuhu waxa uu odayaasha u sheegay in aanu dhagax-dhigi doonin Mashruuc aanu fulinayn, wax kasta oo la dhagax dhigana la dhammaystiri doono.
Kulanka Madaxweynaha iyo Madax-dhaqameedka reer Gabiley ayaa ku soo gabagabobay guul iyo is-afgarad.