
Hargeysa: 20.04.2024( )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta labada gole ee guurtida iyo wakiillada u jeediyey khudbad-sannadeedkii dastuuriga ahayd.
Madaxweynaha, ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray arrimo muhiimad gaar ah leh oo hor-tebin u leh xukuumadda WADA-JIR iyo WAXQABAD, kuwaas oo salka ku haysa barnaamij-siyaasadeedkii iyo ballamihii uu bulshada u sameeyey xilligii ololaha.