
Kulanka Madaxweyne ku-xigeenka waxa ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya Sweden, Mudane Zakariye Xasan Wacays.
???????????????????????????? ???????????????????????????? ???????? ???????????????????????? ???????????????????? ???????????????????????? ???????????????? ???????? ???????????????? ????????????????????????????????:
1. Magnus Oscarsson (MP)
2. Mikael Oscarsson (MP)
3. Mathias Bengtsson (MP)
4. Dan Hovskär (MP)
5. Annicki Oscarsson (Masuul Xisbi)
6. Natalie Oscarsson (Masuul Xisbi),
7. Katrin Hovskär (Masuul Xisbi)
8. Mikael Torstensson (Ergayga gaarka ah ee Somaliland ee dalka Sweden) iyo Xaaskiisa Elisabeth Torstensson.
Ujeeddada weftiga ka socday Baarlamaanka dalka Sweden ayaa ahayd in ay u kuur galaan xaaladda Somaliland ee xagga horumarka bulshada, geeddi socodka Dimuqraadiyadda, dardargelinta arrimaha aqoonsiga Somaliland, nabadda, maamul wanaagga, maalgashiga iyo fursadaha iskaashi ee ka dhaxayn kara labada dal, Somaliland iyo Sweden.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa si diirran u soo dhaweeyey Weftiga, isaga oo uga mahad naqay booqashada ay ku yimaadeen Somaliland.
Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu weftiga ka socday dalka Sweden u sharraxay Sooyaalka Taariikheed ee madax-bannaanida Somaliland, iyo sida ay shacabka Somaliland si aan ka noqosho lahayn ay afti dadweyne ugu go’aansadeen in ay dib ula soo noqdaan madaxbannaanidooda 18 May, 1991, ka dib burburkii iyo khasaarihii ka dhashay midowgii ay ummadda Somaliland la galeen Soomaaliya.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu si qoto dheer u xusay in Somaliland ay buuxisay dhammaan shuruudihii dawladnimo ee uu caalamku ku aqoonsan lahaa Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu ku booriyey Dawladda iyo Baarlamaanka dalka Sweden in ay kaalintooda ka qaataan ololaha iyo dhiirrigelinta Aqoonsiga Caalamiga ah ee Somaliland, maadaama ay tahay dawlad u qalanta aqoonsi buuxa, taasoo ku dhisan xasillooni, nabad, iyo nidaam dastuuri ah oo madax-bannaan oo ay Somaliland ku dhaqmaysay muddo 34 sano ah.
???????????????????????????? ????????????????, ???????????????????????? ???????????????????????? ???????????????? ???????? ???????? ???????????????? ???????? ???????????? ???????????????? ????????????????????????????:
* Fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland, sida ballaadhinta Dekedda Berbera, Tamarta la cusboonaysiin karo, Xoolaha, Beeraha, Kalluumaysiga iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.
* Iskaashiga horumarinta arrimaha bulshada, gaar ahaan caafimaadka, biyaha iyo waxbarashada.
* Arrimaha bini’aadannimada, iyada oo Madaxweyne ku-xigeenku xusay sida ay Dawladda Somaliland uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadamaha iyo daryeelka dadka nugul.
Dhanka weftiga culus ee ka socday dalka Sweden, waxa ay muujiyeen danayn iyo faham qoto dheer oo ku saabsan Qadiyadda Somaliland, iyaga oo JSL ku ammaanay nabadda, xasilloonida iyo nidaamka dimuqraadiga ah ee dalka ka jira. Weftigu waxa ay ballan qaadeen in ay Baarlamaanka dalka Sweden ka dhex abuuri doonaan dood adag iyo olole ku saabsan xaqa ay Jamhuuriyadda Somaliland u leedahay in ay noqoto dal madax-bannaan oo ka tirsan Beesha Caalamka.
Weftigu waxa kale oo ay sheegeen in ay Dawladda dalka Sweden si buuxda ugu boorrin doonaan in ay toos u aqoonsato Somaliland, isla markaana ay taageero buuxda ka gaysato arrimaha horumarka bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka Somaliland.
Gabagabadii, Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa uga mahad celiyey weftiga booqashadooda iyo danayntooda ku aaddan qadiyadda Somaliland, isaga oo Weftiga ku adkeeyey in aqoonsiga Somaliland uu yahay arrin salka ku haysa caddaalad iyo gar-naqsi ummadeed oo aan la iska indho tiri karin.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL ahna ku simaha Madaxweynaha waxa uu hoosta ka xarriiqay in aqoonsiga Somaliland uu muhimmad weyn u leeyahay nabadda iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika oo dhan.