
Madaxaweyne Kuxigeenka JSL Md.Maxamed Cali Aw Cabdi iyo Wafti Balaadhan oo u hogaaminayo ayaa maanta socdaal hawleed ugu ambo baxay gobolada galbeedka Somaliland ayaa soo dhawayn loogu sameeyey deegaanka goroyacawl ee duleedka Boorama.
Waxaana socdaalka Madaxweyne kuxigeenka ku wehelinayey Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, kuxigeenka wasaarada dibu dajinta. Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Caafimaadka iyo duulista iyo Hawada.
Intaasi kadib Madaxweyne Kuxigeenka JSL iyo waftiga u hogaaminayey ayaa daah furay Dhismaha Waaxda Gargaarka degdega ah iyo dhaawacyada Cusbitaalka guud ee Boorama waxaana hirgalisay Hay’adda Amoud Foundation.
Madaxweyne Kuxigeenka JSL Md.Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa hay,adda Amoud Foundation ku amaanay doorkeeda samafalka