
Madaxweyne Kuxigeenka JSL Md.Maxamed Cali Aw Cabdi oo ay weheliyaan Wasiirka Horumarinta Caafimaadka, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiir kuxigeenka Wasaarada Dibu dajinta, Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Caafimaadka iyo Duulista iyo Hawada, maayarka Boorama, gudoomiyaha Gobolka Awdal, masuuliyiinta kale duwan ee jaamacada Camuud, iyo marti kale duwan ayaa maanta goobjoog u ahaa munaasibada Daahfurka Barnaamijka Qorshaha Caafimaadka Shaqaalaha ee Jaamacada Camuud oo ka dhacday isbitaalka Al Hayat ee Boorama.