Munaasibaddan iyada ah waxa lagu soo bandhigay Qorshaha Horumarineed ee Magaalada Berbera (Development Master Plan) kaasi oo ah Qorshe Casri ah oo loogu talo galay magaalada Berbera 2025 ilaa 2035.
Munaasibadda waxa goob joog ahaa Wasiiro, Maayar ku-xigeenka Caasimada Hargaysa, iyo marti sharaf balaadhan oo xafladani lagu soo marti qaaday.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL ahna ku-simaha Madaxweynaha JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo munaasidaasi ka hadlay ayaa bogaadiyey Wasaarada Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta JSL oo uu Madaxweyne ku-xigeenka Qaranka Somaliland oo si mug leh ugu bogaadiyey shaqada culus ee hayaan Qaranka, sida Diyaarinta Qorshayaasha Horumarinta Magaalooyinka dalka, waxana uu yidhi:
"Barnaamijkani waa mihiim, isla markaana waxa uu tusaale u noqon doonaa Magaalooyinka kale ee dalka, waana in sidiisa loo fuliyaa.
Qorshe Magaaleedku (Master Plane) waa furaha lagu ogaado horumarka ay magaalo gaadho, madaama la ina ictiraafay waa in aynu Adduunka la jaanqaadno oo magalooyinkeena la hormariyaa waanannu garab taagan nahay Dawladaha Hoose ee dalka.
Waxa aan doonaynaa in ay Berbera noqoto meel uu Caalamku inala leeyahay oo aynu horumarkeeda si weyn uga wada shaqayno."