
Munaasibadan oo ka dhacday Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu Madaxweynuhu farriin u diray Ardayda, Macallimiinta, Kormeerayaasha iyo Masuuliyiinta bahda Waxbarashada, isaga oo dul istaagay muhiimadda ay Waxbarashadu u leedahay aasaaska horumarka Qaranka iyo isku-tashiga ummadeena.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Ardayda maanta u fadhiisanaya Imtixaannka Shahaadiga ah ee Gobollada Dalka dhammaantood ku ammaanay dedaalkooda iyo adkaysigooda. Sida oo kale, Madaxweynuhu waxa Ardayda ku boorriyey in ay si daacadnimo iyo kalsooni leh u galaan Imtixaanka isla markaana ay si buuxda u dhawraan hab-sami-u-socodka imtixaanka muddada uu socdo.
Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu dhammaan Ardayda u fadhiisanaya Imtixaannka Shahaadiga ah ee sannadka 2025-ka u rajeeyey guul.